Dagaal Duleedka Dhooblay Kudhexmaray Al-Shabaab iyo Jubbaland.

Habeenkii Xalay, ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus oo qorsheysan waxay ku qaadeen saldhig milliteri oo ku yaala duleedka degmada Dhooblay ee dhacda xadbeenaadka ay wadaagaan Soomaliya iyo Kenya.

Saldhiga la weeraray waxaa ku sugnaa ciidamo Soomaali ah oo dhawaan Tababar milliteri ay siiyeen ciidamada Kenya, waxaana malleeshiyaadkaas ay hoos imaanayeen maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Dagaalka oo in muda ah socoday waxay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan kuwa cul culus, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare gaaray ciidamada la weeraray.

Dagaal culus kadib Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si kumeel gaar ah ula wareegeen saldhiga ay weerarareen oo ahaa saldhig ballaaran oo ay ku jiraan hubka noocyadiisa kala duwan.

Waa dagaalkii ugu cuslaa oo maalmahan dhow ka dhacay Aaga Dhoobley oo kamid ah magaalooyinka uu gumeystaha Kenya maamulo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.