Dagaal Toos ah Oo Muqdisho Caawa ku dhexmaray Ciidamada Mujaahidiinta iyo Sirdoonka Dowladda.
Ciidamo katirsan Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku hubeysan Garnelada Garabaha laga rido iyo hubka boobayaasha ayaa dagaal adag waxay ku qaadeen fariisin ciidamada Nabad sugida dowladda ay ku leeyihiin degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Weerarka oo goordhow soo gebegeboobay lagana maqlayay degmooyin dhowr ah oo katirsan Muqdisho waxaa lagu soo waramayaa in lagu qaaday ciidamo saldhig ku lahaa Saraha Ceymiska ee degmada Yaaqshiid ee saaran wadada Warshadaha.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa loo badinayaa inuu gaaray ciidamada dowladda ee la weeraray, waxaana Muqdisho si gaar ah uga socoda dagaal amni ah oo lagu baacsanayo malleeshiyaadka Reer Muqdisho ugu yeeraan Ashahaado la dirir oo toos uga amar qaata Maraykanka.
Dagaalkan tooska ah ayaa kusoo aaday iyadoo fiidnimadii caawa degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho lagu toogtay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Maxamed Afey oo katirsanaa saraakiisha maamulka degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Ma hubsade Farmaajiyo wixii gaalka hoos tiisa
Haraadiga gumaysigu watoow hawlkar maad tihide
Huuraale mooryaana iyo huwantu yeel keede
Hami iyo qamay taagan tiin mana huray saane
Haaway inaad wada tihiin gaalku heeryeeyey
Hilay iyo inaad wada sidaan haamo loo marage
Ama aad hafraysaan sharciga hubanti wee yaane
Halyeeyada shareecada u kacay ee hubka u qaatay
Haybad iyo inay sharaf heleen hubanti wee yaane
Hidihii inay daafaceen hubanti wee yaane
Inay hiile sacab kood yihiin hubanti wee yaane
Huf inay bexeen gaaladii hubanti wee yaane
Hub koodii inuu dhaxal gal yahay hubanti wee yaane
Huurale gaal inu jabane hubanti wee yaane
Hindisaha gumysigu watiyo hubalku been weeye
Haawyda soo foof tak tee gaalka hida raaci
Fuli waa hankay shalay watee yaahida habaw day
Wiilashaa halyeeada ahee horarka gaadaaya
Haawaydu wiilashay dudhee cayda ku halgaadi
Bilad saraf hagoog uga dhigiyo hayad mdu khaasaa