DEG-DEG: Qarax Askar badan lagu dilay oo ka dhacay Boosaaso.

Warar kusoo dhacay warqabadka Idaacadda islaamiga ee Alfurqaan ayaa xaqiijinaya in goordhow magaalada Boosaaso uu ka dhacay qarax culus oo jugtiisa laga wada maqlay inta badan magaaladaas.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan ilaalada madaxtooyada maamulka Puntland, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxa.

11 Askari ayaa dhimash iyo dhaawac ku noqday Qaraxan, waxaana markii uu qaraxu dhacay goobta ka kala cararay dadkii ka ag dhawaa.

Daqiiqado kadib ciidamo ayaa soo gaaray goobta, iyagoona daabulay meydadka iyo dhaawacyada Askarta Puntland.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha dhaliyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.