Dowladda Federaalka oo yeelatay Wasiir cusub oo Gaashandhig.

Xassan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu ku magacaabay wasiir cusub oo qabanaya xilka Gaashandhiga oo banaanaa in muda ah.

Wasiirka cusub ee la magacaabay waxaa lagu magacaabaa Maxa’ed Mursal, wuxuuna xilal iyo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka sida tii Maxamed Siyaad Barre.

Xasan Kheyre ayaa sheegay in wasiirkan uu u rajeynayo inuu kasoo baxo howsha loo igmaday ee ciidanka.

Xilkan Gaashandhiga waxaa iska casilay Cabdi Rashiid Cabdulllaahi Maxamed, oo ka cararay shaqada kadib markii uu awoodi waayay inuu maareeyo arimaha milliteriga iyo ciidamada dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.