Eng Idiris: “Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Madaxtooyada Waa Shimbirayahaw Heesa” (Dhageyso)

Idiris Xassan Faarax oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo u dhuun daloola xaaladda wadanka ayaa waxa uu qiimeyn ku sameeyay qodobadii kasoo baxay shirkii mudada dhowrka maalmood madaxtooyada uga socday madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wuxuu sheegay in qodobada kasoo baxay shirka ay yihiin dhallanteed, wuxuunta tusaale usoo qaatay inaan lagu soo darin wax yaabihii la isku hayay oo ay kamid tahay qadiyadda Khaliijka iyo sida ay maamul goboleedyadu ula safteen Imaaraadka, wuxuuna sidaa darteed sheegay in tani ay cadeeneyso in khilaafku uu halkiisa kasii socdo.

Sidoo kale wuxuu is-dul taagay qodobka sida aadka ah afka loogu ballaariyay ee la dagaalanka argagixisada, wuxuuna sheegay in argagixisada dhabta ah ay yihiin DF iyo shisheeyaha kuwaasoo uu xusay iney dulmi iyo dhibaato ku hayaan ummada Soomaaliyeed.

Halkan Ka Degso Wareysiga Eng Idiris

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.