Inkabadan 10 Askari Oo Ciidamada Dowladda Looga Dilay gobollada Jubbooyinka iyo Baay.

Weeraro kala duwan oo maanta ka dhacay gobollada Jubbada hoose iyo Baay ayaa khasaare kala duwan waxaa lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo la kulmay weerar uga yimid dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Markaan ku hormarno dhanka Jubbada hoose, 3 Qarax ayaa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo marayay duleedka deegaanka Buula-Guduud ee nawaaxiga magaalada Kismaayo.

Sida ay sheegayaan warar ay hleyeso Idaacadda Al-Furqaan waxaa qaraxyadaas ku dhintay 4 Askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland, halka halka 11 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Dhanka Baay, Ciidamo katirsan Wilaayada Islaamiga Baay iyo Bakool ayaa kamiin u dhigay ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed kuwaas oo marayay inta u dhexeysa magaalooyinka Bardaale iyo Awdiinle.

Kamiinka oo ahaa mid adag iskuna bedelay dagaal toos ah waxaa ku dhintay 8 Askari oo katirsan maamulka koonfur galbeed, halka lagu dhaawacay 9 kale.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gobollada kala duwan ee Soomaaliya ayaa sii kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.