Kamiin ka dhacay Laamu Oo Lagu Gubay Gawaari dagaal.
Wararka ka imaanaya gobol xeebeedka Laamu ee ay leeyihiin Muslimiinta, gumeysigana ay ku heysato Kenya ayaa tibaaxaya in kamiin xoogan ay ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u dhigeen kolonyo ciidamo Kenyaati ah.
Kamiinka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Wittu iyo Gamba ee gobolka Laamu, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ku guuleysteen iney gubaan ugu yaraan 3 Gaari.
Weerarka jidgalka oo lagu kediyay ciidamada booliiska Kenya ayaa markii ay Rasaastu ku billaabatay waxay isku dayeen iney baxsadaan, balse Mujaahidiintu waxay la hareen saddex gaari oo gebi ahaanba ay bas beeliyeen
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xaqiijisay in dagaalyahanno katirsan ciidankeeda ay fuliyeen weerarkaas.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta loo dhaariyay ilaalinta dalka Kenya, waxaana muuqaneysa in awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kusii fideyso dhulka Muslimiinta ee Kenya gumeysiga ay ku heysato.