Kudhowaad 30 Ruux Oo Ku Nafwaayay Duqeymo Ka dhacay Magaalada Al-Buukamaal ee Suuriya.

Diyaaradaha Nidaamka Suuriya iyo kuwa Ruushka ayaa duqeymo cadowtooyo oo joogta ah waxay ka geysanayaan magaaalada Al-Buukamaal ee gobolka Dayru-Zuur ee wadanka Suuriya, halkaas oo uu ka soconayo dagaallo adag.

Waxay Diyaaradaha si bareer ah u duqeynayana dadka maatida ee aan waxba galabsan, kuwaas oo ku go’doonsan magaalada Al-Buukamaal oo ah magaalo u dhow xuduud beenaadka ay wadaagaan Suuriya iyo Ciraaq.

28 Ruux ayaa la xaqiijiyay in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhinteen duqeymaha ka socoda magaalada iyo tuulooyinka dhaca hareeraha magaalada, kuwaas oo dagaallo adag ay ka socdaan.

Magaladan ayaa dhowr maalin waxaa ka socoda dagaallo culus, kuwaas oo Nidaamka Mujrimka uu ku doonayo inuu kula wareeego magaalada basle wuxuu la kulmayaa iska cabin adag.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.