Kudhowaad 30 Ruux Oo Lagu dilay Kaniisad ku taalla Maraykanka.
Qof hubeysan ayaa gudaha u galay kaniisad ku taalla gobolka Texas ee Maraykanka, isagoona halkaas ka geystay gumaad ka dhan ah Kirishtaan ku sugnaa Kaniisadda.
Kaniisadda la weeraray oo ay ku sugnaayeen dad farabadan ayaa ku taalla magaalada Sadarland Spring ee gobolka Texas.
Ninka hubeysan ayaa la sheegay inuu kasoo degay gaari uu watay, islamarkaana uu rasaas ku billaabay dadka ku sugnaa Kaniisadda, wuxuuna markiiba goobta ku dilay 26 Ruux.
Ninka Weerarka geystay oo horay uga soo mid noqday ciidamada Maraykanka ayaa ku baxsaday gaari uu watay, waxaana rasaaseeyay ciidamada Booliiska oo goor dambe soo gaaray halka uu weerarku ka dhacay.
Goor dambe ayaa la halay ninka Weerarka geystay isagoo meyd ah kuna dhexjira gaarigiisa, balse lama oga inuu isagu is dilay iyo iney ku dhacday Rasaasta ay Booliisku ku rideen.
Dhaawacyo halis ah ayaa Isbitaallada caafimaadka la dhigay, kuwaas oo ay suuragal tahay iney geeriyoodaan daqiiqadaha soo socoda.
Donald Trump oo ku sugan magaalada Tokiyo ee dalka Jarmalka ayaa ka hadlay weerarkan, isagoona sheegay iney baaritaanno wadaan.
Gudoomiyaha gobolka Texas wuxuu ku tilmaamay weerarkan ka dhacay gobolkiisa inuu yahay kii ugu xumaa abid ee ay la kulmaan dadka ku dhaqan gobolkiisa.