Malleeshiyaadka Imaaraatka U shaqeeya oo Fal Naxdin leh ka sameeyey dalka Yaman.

Malleeshiyaadka lagu magacaabo Xisaamul Amniga oo ah malleeshiyaad uu aas-aasay Imaaraatka, kana amar qaata Muxamed bin Zaayid ayaa sii wada dhibaateynta dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Yaman.

Guuto katirsan malleeshiyaadkan ayaa weerar ku qaaday guri ku yaala magaalada Laxaj, iyagoo isku dayay iney qabtaan qof muslim ah oo deganaa guriga.

Qofkan ayaa markii ay ciidamadu damceen iney soo galaan gurigiisa, xoogna ay ku qabtaan wuxuu sameeyey iska caabin adag, isagoona dilay dhowr Askari, dhaawacayna tiro kale.

Malleeshiyaadka oo aad u careysan, jabka la gaarsiiyayna uu xanuunjiyay ayaa markii dambe waxay ku guuleysteen iney dilaan Ruuxan, iyagoona kula kacay fal naxdin leh.

Waxay ku sameeyeen tamthiil iyo suurad xumeyn, iyagoona ku jiid jiiday dhulka, waxay ka bixiyaan Indhaha isagoo meyd ah, kadibna waxay u qaateen saldhigyada ay kasoo duulaan tageen.

Ninka la dilay ayaa la sheegay in malleeshiyaadku ay doonayeen iney xiraan, islamarkaana tacdiib daran kula kacaan, balse wuxuu difaacday cirdigiisa, markii dambena sidaas ayuu ku dhintay.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.