Mid kamid ah Madaxda sar sare ee maamulka Aala-Sucuud oo magangeliyo siyaasadeed uu Fransiisku siiyay.

Xubnaha ku abtirsada qoyska Aala-Sucuud ee haya talada dhulka Xarameynka ayaa kala irdhoobay, wixii ka dambeeyay markii talada dalkaas uu la wareegay hogaamiyaha fud fudeydka badan ee Muxamed bin Salmaan.

Xubnaha qoyska ayaa noqday wax la xiro, kuwa cararay, iyo qaar kaloo xabsi guri ku ah dhulka Xarameynka  lagana qaaday jagooyinkii sar sare ee ay ka hayeen maamulka Aala-Sucuud.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo website lagu magacaabo Arabi21.com uu soo xiganayo ayaa xaqiijinaya in wiiil uu dhalay boqorkii hore ee Aala-Sucuud boqor Cabdalla oo magan geliyo siyaasadeed ka dalbaday dowladda Faransiiska islamarkaana la siiyay.

Amiir Cabdul Cazii bin Cabdillaahi oo soo noqday ku xigeenka wasiirka arimaha dibadda ee maamulka Aala-Sucuud, wax badan oo la xiriira arimaha siyaasadda ee dibadana ogaa, ayaa isku dhiibay dowladda Faransiiska halkaas oo hadda uu deganyahay.

Ninkan ayaa kahor inta aysan bilaaban qabqabashada ka dhacday Xarameynka, wuxuu fasax shakhsi ahaaneed ah waydiistay Muxamed bin Salmaan, isagoo u sheegay inuu doonayo inuu arimo caafimaad u aado Faransiiska, markii uu halkaas tagay oo qab qabashada ay bilaabatana uu magan geliyo ka dalbaday dowladda Faransiiska.

Muxamed bin Salmaan ayaa tobanaan Ruux oo u badan Ilma adeeradiisa wuxuu u taxaabay xabsi, isagoo ka doonayo lacago badan oo madax furasho ah, wuxuuna ololihiisaan uu boor qaris uga dhigay la dagaalanka musuq maasuqa.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.