Saraakiil katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Duhrunimadii maanta ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu weeraray saraakiil katirsan sirdoonka NISA ee dowladda federaalka, kuwaas oo marayay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa magaalada Muqdisho.

Qarax culus ayaa Gaariga Saraakiisha ay saarnaayeen lala eegtay, waxaana durba halkaas ku quur baxay 3 Sarkaal oo kamid ah saraakiisha sirdoonka dowladda ee Reer Muqdisho ay ugu yeeraan PS-ta.

Qaraxan ayaa yimid iyadoo maalintii shalay sarkaal katirsan wasaaradda Caafimaadka dowladda lagu weeraray magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada mashquulka badan ee Makka Al-Makarama, waxaana sarkaalkaas uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Weerarada lagu beegsanayo xubnaha katirsan dowladda ayaa kusoo badanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.