Sarkaal Katirsan Wasaaradda Caafimaadka Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Goordhow waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu weeraray mid kamid ah Mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka ee dowladda Federaalka.

Ninkan la beegsaday oo magaciisa lagu soo koobay Xirsi ayaa la weeraray isagoo maraya wadada mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Gaariga oo socda ayaa mar qur ah waxaa la maqlay Qarax xoogan, taas oo sababtay in dhaawac culus uu soo gaaro Mas’uulka la weeraray.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa silsilado weeraro ah waxay ka fulisaa magaalada Muqdisho kwuaas oo ay ku beegsato shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.