Shirkadda Black Water oo Howlgallo ka wada dalka muslimka ah ee Liibiya.

Aas-aasaha shrikadda Black-Water.

Sida ay ogaatay majalladda Intelegence Online ee ka faalloota arimaha Sirdoonka iyo Mukhaabaraatka caalamka, shirkadda Black Water oo ah shirkad sumcad daran, islamarkaana xasuuqyo caalami ah ka fulisay wadamo badan oo Islaam ah sida Afqaanistaan, Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa howlgallo hadda ka wada dalka muslimka ah ee Liibiya.

Aas-aasaha shirkadda Black Water ninka lagu magacaabo Ereck Prance ayaa hadda ku sugan saldhig qarsoodi ah oo ku yaala dalka Liibiya, waxaana uu ka hoos shaqeynayaa dowladda Imaaraatka oo qarashka iyo lacagaha ku baxaya howlaha Black Watar bixineysa.

Shaqaale badan oo Black Watar ka tirsan ayaa duuliya diyaaradaha Imaaraatka ee ku sugan dalka Liibiya, waxaana Erreck Prance uu qudhiisa kamid yahay dadka kormeeraya howlgallada Imaaraatka ee Liibiya.

Arintan oo ah mid naxdin ah islamarkaana shaaca ka qaadeysa in shacabka muslimka  ah ee Liibiya ay sugayeen dhibaatooyin badan haddii Alle uusan ka badbaadin ayaa muujineysa sida dalka Liibiya uu u noqday saaxa caalami ah oo ay ku loolamayaan awoodo kala duwan.

Shirkadda Black Watar waxay howsheedu tahay sida horey loo arkay qarxinta suuqyada, masaajida iyo goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan, si qaraxyadaas loogu maleeyo iney ka dambeeyaan Jamaacaadka Islaamiga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.