TobanaanTahriibiyaal oo ku dhintay xeebaha badda Liibiya.

Maamulka ka jira dalka Liibiya ayaa shaaca ka qaaday in xeebaha dalka Liibiya ay ku dhinteen ugu yaraan 30 Ruux oo tahriiibiyaal Afrikaan ah, halka 200 oo kale lasoo badbaadiyay.

Labo doon ayay saarnaayen dadka dhintay, iyo kuwa lasoo badbaadiyeyba, waxayna doomahaas ku gudoomeen meel 60KM u jirta magaala xeebeedka Dharaabulis ee casimadda dalka Liibiya.

Dadka soo badbaaday waxaa la geeyey saldhiga Dharaabulis, halkaas oo lagu quudinayo, islamarkaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Marar badan ayay soo noq noqtay in tahriibiyaal farabadan oo Soomaali ay ku jiraan ay ku maashoobaan badda weyn ee Liibiya iyo Talyaaaniga u dhexeysa, waxaana Liibiya ay noqotay marin mudooyinkii ugu dambeeyey ay adeegsanayeen Tahriibiyaasha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.