Wasiirkii Ilaalada Kacaanka ee Maamulka Aala-Sucuud oo Xabsiga laga soo daayay.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa sii daayay Amiir Mutcib bin Cabdillaahi oo dhawaan lagu xiray dhulka Xarameynka, kadib markii lagu eedayay inuu musuq maasuq sameeyey.

haweeney kamid ah qoyska boqortooyada Aala-Sucuud ayaa barteeda twitterka ku xaqiijisay in lasii daayay walaalkeeda Mutcib bin Cabdillaahi.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa dhawaan sheegay in 6 amiir oo kamid ah kuwa la xiray ay la kulmeen tacdiib daran, taas oo sababtay in Isbitaallada caafimaadka la geeyo.

Lama oga sababaha keenay in lasoo daayo Mutcib, lamana oga waxyaabaha ay ku heshiiyeen isaga iyo nidaamka Aala-Sucuud.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.