Xerada Ugu weyn ee Shisheeyaha Ka deganyihiin Muqdisho Oo Weli Xeran.

Bandow socon doona illaa maalinta Axadda ayaa saaran garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyo Xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ciidamada shisheeye kuna yaallaan xarumaha Qaramada midoobay iyo shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha ah.

Tani waxay ka dambeysay kadib markii taliska Amisom uu maalintii Khamiisti soo saaray warqad uu ku muujinayo in ay jirto halis amni lagana cabsi qabo in Xarakada Al-Shabaab weerarto labadaasi xarumood oo horey loo weeraray dhowr jeer ooh ore.

Mid kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo ammaankiisa la xiriira, ayaa sheegay in 700 oo kamid ah shaqaalaha loo sheegay iney guryahooda iska joogaan iyadoo aanan loo sheegin sababta.

“Qaarkeen markii uu soo baxayay amarka waxaan joognay garoonka, halka qaarka kale ee aanan joogi arrinta loogu sheegay telefoon” ayuu yiri’ mid kamid ah shaqaalaha kaasoo intaasi ku daray in garoonka lagu sii daayay eeyo aad u fara badan.

DF ayaa muddo juhdi ku bixineysay sugidda amniga Muqdisho iyadoo sameysay ciidamo gaar ah oo loogu magac daray Xasilinta, waxaana haatan muuqanaya in sideed bilood kadib dhismaha ciidankaasi ay xaaladdu kasii dartay.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Mareykanka muwaadiniintiisa uga digay joogitaanka magaalada Muqdisho sababo amni awgood, waxana Arbacadii iyo Talaadadii lasoo dhaafay garoonka ka dhoofay muwaadiniin badan oo dalkaas u dhashay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.