Aala—Sucuud oo Xabsiga kasii daayay Maxbuuskii ugu da’da weynaa.
Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ayaa shaaca ka qaadaya in xabsiga laga sii daayay maxbuuskii ugu da’da weynaa ee nidaamka dalkaas uu xabsiyada ku hayay sanadihii lasoo dhaafay.
Suleymaan Al-Rashuudi oo 80 sano jir ah ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay wuxu ku xirnaa xabsiyada nidaamka Aala-Sucuud, shalay ayuuna xurriyadiisa dib u helay.
Qareenka u doodayay ninkan ayaa shaaciyay khabarka ah inuu xurnimadiisa helay Al-Rashuudi, balse wax faafaahin ah kama bixin sababaha ka dambeeyey sii deysmadiisa.
Xabsiyada nidaamka Aala-Sucuud waxaa ku xiran boqollaal Ruux oo ay ku jiraan culimo, dhalinyaro, Siyaasiyiin iyo xitaa dumar masaakiin ah, waxaana maxaabiista qaarkood ay ku jiraan xabsiyadaas kudhowaad 30 sano oo kaamil ah.