Ciidamada Shisheeye oo duqey ka geystay magaalada Buula-mareer.

Magaalada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in ciidamada Shisheeye ay madaafiic ku garaaceen magaalada, kuwaas oo khasaare sababay.

Madaafiicda oo si indha la’aan ah ay ciidamada Shisheeyuhu u tuurayeen ayaa ku dhacay xaafado iyo goobo ay dad  shacab ahi degnaayeen, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ugu yaraan hal ruux oo haweeney ah ayaa geeriyootay, iyadoona 5 kale ay dhaawacmeen.

Dadka magaalada ayaa saaka aasaya ruuxa dhintay, iyadoona dhaawacyada xaaladooda lalal tacaalayo.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa si indha la’aan ah waxay isaga laayeen shacabka soomaaliyeed, mana jirto cid kula xisaabtameysa, marka laga tago Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ciidamadan dagaal toban sano jirsaday kula jirta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.