C/raxmaan C/shakuur oo damiin lagu sii daayay.
Iyadoo dhowr maalmood uu dowladda federaalka u xirnaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ugu dambeyn xalay waxaa xabsiga laga sii daayay siyaasiga.
Sii desymada C/raxmaan waxaa ku lug lahaa sida wararka lagu helayo, siyaasiyiin katirsan dowladda oo ay isku beel yihiin, kuwaas oo maalmihii tagay dadaal aan kala joogsi lahayn ku bixinayay sii deysmada C/raxmaan C/shakuur.
Dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in dowladdu ay baqdin kasoo wajahday dhaq-dhaqaaqyo ay wadeen siyaasiyiinta ay isku heebta yihiin C/raxmaan, kuwaas oo dagaal ku dhawaaqay haddii lasii deyn waayo ninkan.
Waxa sidoo kale jiray in ciidamo katirsan dowladda ay kasoo baxeen deegaanno ay ka joogeen Shabeellaha hoose, iyagoo ka gadoodsan tallaabada dowladda ay qaaday.
Shuruudo ayaa la sheegay in lagu sii daayay C/raxmaan oo ay kamid tahay inaanu qaban wax shir jaraa’id ah, islamarkaana dalka ka bixi karin, waxaana sawirro laga soo qaaday la arkayay iyadoo gacanta midig ay u duubantahay, dhaawac kasoo gaaray weerarkii lagu qaaday gurigiisa awgeed.
Tallaabadan ayaa muujineysa fashilka dowladda iyo is dhex yaaca siyaasiyiinteeda, waxaana qofkii lagu eedayay qaran dumis lasii daayay iyadoo maxkamaddu aysan wax xukun ah ku ridin.