DEG-DEG: Kamiin culus oo ka socoda inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda federaalka uu ka soconayo inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar.

Dagaalka oo Kamiin ahaa ayaa isku bedeley dagaal toos ah oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Deegaanka uu kamiinku ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Golonley wuxuuna dhacaa duleedka Balcad.

Waxaa lagu soo waramayaa in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu jiro, iyadoona dadka dhintay uu ku jiro Sarkaal katirsan ciidamada dowladda.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku guuleysteen iney burburiyeen mid kamid ah gawaaaridii dagaalka ee ciidamada dowladda ay wateen, iyagoona gacanta ku dhigay qoriga Dashiika ah.

Wixii kusoo kordha Kamiinkan waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.