DEG-DEG: Qarax culus oo ruxay Muqdisho xilli wadooyinka ay xiranyihiin.

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimadda ah ka dhacay qarax culus oo jugtiisa inbadan oo kamid ah magaalada laga maqlay.

Qaraxa ayaa ka dhacay xarunta Villa Baydhabo oo ah talis weyn oo ay leeyihiin ciidamada milliteriga dowladda federaalka.

Qaraxa oo ahaa noocyada gawaarida ayaa ka dhacay gudaha Xerada, waxaana la ogeyn halka uu gaarsiisanyahay khasaaraha ka dhashey.

Qaraxan ayaa yimid iyadoo saldhiga Xalane uu ka socodo maanta shir u dhexeeya AMISOM iyo dowladda, kaas oo looga hadlayo arimaha Amaanka.

Wadooyinka caasimadda ayaa intooda badan xiran, waxaana mar kale qaraxan uu banaanka soo dhigayaa habacsanaanta hay’adaha amaanka ee dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.