DEG-DEG: Qarax xoogan oo Muqdisho ruxay.

Goordhow waxaa magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya ruxay qarax xoogan oo jugtiisa laga wada maqlay inta badan caasimadda.

Qaraxan ayaa ka dhacay gudaha xerada Iskool Buluusiya  ee magaalada Muqdisho, halkaas oo saldhig u ah ciidamo katirsan dowladda.

Lama oga qaraxan wuxuu yahay, balse wuxuu dhacay xilli ay ciidamadu ku jireen gaardiska subaxnimo.

Wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.