Degdeg: Taliyihii Miina Baarista Puntland oo Qarax Lagula Beegsaday Bari.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in qarax miino oo aad u culus lala beegsaday taliyihii Miino baarista ee maamulka Puntland oo ku magac dheeraa Kaba-yare.

Xogtu waxay ku waramaysaa in qaraxa lala beegsaday xilli uu shaqo miino baaris ah ka waday inta u dhaxaysa magaalada Boosaaso iyo degaanka Galgala.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Kaba yare qaraxa lala helay walow aysan jirin tafaasiil intaasi dhaafsiisan oo ku saabsan xaaladdiisa nolol iyo geeri intaba.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sii laba jibaartay weeraradeeda ka dhanka ah mas’uuliyiinta maamulka Puntland. Si kastaba ha ahaatee ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ay saraakiisha Puntalnd ka yiraahdeen qaraxa lala beegsaday taliyihii miina baarista.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.