Diblumaasiyad British ah oo lagu dilay Lubnaan.

Wararka ka imaanaya dalka Lubnaan ayaa shaaca ka qaadaya in mid kamid ah wadooyinka magaalada Beyrtuu laga helay meydka Diblumasiyad katirsan safaaradda Ingiriiska uu ku leeyahay dalkaas.

Haweeneyda la helay meydkeeda waxaa lagu magacaabaa Rebecca Dyke, waxaana in muda ah ay katirsaneyd diblumaasiyiinta dowladda Ingiriiska.

Saraakiisha Booliiska Lubnaan ayaa shaaca ka qaaday in meydka haweeneyda uu ka muuqdo inaan lagu dilin rasaas, balse loo adeegsaday qaabab kale, waxayna sheegeen iney wadaan baaritaanno lagu ogaanayo cida ka dambeysa dilka.

Dowladda Ingiriiska dhankeeda waxay sheegtay inay dareemeyso qalqal la xiriira badqabka muwaadiniinteeda ku nool caalamka Islaamka, waxayna sheegtay iney socdaan baaritaano ballaaran.

Lama oga dilka diblumaasiyadan inuu xiriir la leeyahay bananabaxyada ka socoda caalamka Islaamka ee looga soo horjeedo go’aankii Donald Trump, madaxweynaha cunsuriga ah ee Maraykanka, kaas oo Al-Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.