Diiradda Jimcaha: “Jilib 27 Sano Kadib Ku Tallaabsatay Horumar Ballaaran” (Sawirro+Dhageysi)
Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxaa usbuucan lagu soo diyaariyay magaalada Jilib, wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka waxaana lagu lafa guray mowduuc xiiso badan.
27 sano kadib waxay magaalada Jilib heshay horumar aad u ballaaran oo ay hir galintiisa qaadatay mudo kooban marka loo eego sannadihii badnaa ee ay hogaamiye kooxeedyada iyo dagaalada ahliga ah socdeen.
Barnaamijka waxaa marka hore lagu lafa guray taariikhda Jilib ayaa waxaa nagala qeyb galay Salaadiinta kala ah sidan:- 1-Suldaan Ibraahim Aadan Ibraahim, 2-Suldaan Xassan Daahir Cali 3-Suldaan Cabdi Qani Cabdullaahi Maxamad.
Halkan Ka Degso Diiradda Jimcaha
Halkan waxaan idiinkugu soo gudbineynaa sawirrada martida barnaamijka, inagoo maalmaha soo socda idiin soo gudbin doonna sawirro ku saabsan horumarka iyo mashaarciida insha’allah.