Diyaaradaha Ruushka oo Xasuuq foolxumo badan ka geystay gobolka Idlib.

Wararka ka imaanaya dalka muslimka ah ee Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha dowladda Ruushka ay duqeymo xoogan ka geysteen magaalooyin katirsan gobolka Idlib oo ay maamulaan jamaacaadka islaamiga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in diyaarad nooca dagaalka oo dowladda Ruushka ay leedahay ay dhowr gantaal ku garaacday suuqa weyn ee magaalada Macarshuuriin oo u dhow magaalada Idlib oo ah xarunta gobolka.

19 Ruux oo 7 kamid ah ay yihiin caruur da’ yar ayaa ku shahiiday duqeynta ka dhacday magaalada Macaarshuuriin, kuwaas 13 kamid ah ay kasoo jeedaan hal qoys.

Talaadadii lasoo dhaafay ayaa sido kale deegaan katirsan gobolka Idlib waxa uu marti geliyay duqeyn cadowtooyo oo diyaaradaha Ruushku fuliyeen, dhowr ruux ayaana ku shahiiday.

Magaalada Khaansheykhuun ayay ahayd , markii dhawaan duqeyn ka dhacday ay ku shahiideen 9 Ruux, waxaana muuqata in diyaaradaha Ruushku ay weli halkooda kasii wadaan duqeymaha ay ku xasuuqayaan shacabka muslimka ah ee Suuriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.