Duqeymo iyo Dagaallo xoogan ayaa ka soconaya gobolka Xammaah ee wadanka Suuriya.

Malleeshiyaadka nidaamka Nusayriyada oo helaya taageero dhanka hawada ah ayaa maalmahan waxay xamlo dagaaleed kusoo qaadeen deegaanno katirsan gobolka Xammaah, halkaas oo ay gacanta ku hayaan jamaacaadka jihaadiga ee wadankaas ka howlgala.

Warbaahinta caalamiga ah oo soo xiganaya ilo gudaha ah ayaa sheegaya in tuulooyinka Al-Mashiirfa iyo Umu Xaarateyn ay ka dhaceen dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ugu dambeyn dagaalladaas ku jabay ciidamada nidaamka Nusayriyada.

Diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Nidaamka ayaa si indha la’aan ah waxay duqeymo uga wadaan deegaanno katirsan gobollada Idlib iyo Xammaah, waxaana dhowrkii maalmood ee tagay shahiiday tobanaan ruux, halka dhaawacyo farabadana ay jiraan.

Nidaamka ayaa isku dayaya inuu culees iyo go’doon kusoo rogo gobolka Idlib oo ah gobolka keliya ee Jamaacaadka Jihaadiga iyo kuwa mucaaradkuba ay si madax banaan u maamulaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.