Faafahin: Qarax khasaare dhaliyay oo Muqdisho ka dhacay.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa qarax culus wuxuu ka dhacay gudaha xerada Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Jugta qarax culus oo inta badan laga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay gudaha Xerada, kaas oo sababay khasaare nafeed oo gaaray ciidamadii halkaas ku sugnaa.

Wararka waxay sheegayaan in xilliga uu Qaraxu dhacayay ciidamada dowladda ay ku jireen gaardiska aroornimo, waxaana ay isku diyaarinayeen mid kamid ah munaasabadaha ay dhigato dowladda federaalka.

Saraakiil sar sare oo katirsan noocyada kala duwan ee ciidamada ayaa goobjoog ahaa, kuwaas oo laga yaabo iney ku jiraan Askarta dhimatay.

Ciidamada dowladda ayaa xeray dhamaan wadooyinka soo gala halka uu qaraxu ka dhacay, taas oo muujineysa in khasaaraha ka dhashey qaraxan uu yahay mid culus.

Qaraxan aroornimo ee ka dhacay Muqdisho ayaa yimid, iyadoo dhawaanahana laamaha amaanka dowladda ay sheeganayaan in amaanku soo hagaagayo, kulankii ka dhacay xerada Xalane-na intiisa badan waxaa diiradda lagu saaray arimaha Amaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.