Gaari ciidamada AMISOM looga gubay nawaaxiga Afgooye.
Qarax miino ayaa lala eegtay gaari Taw ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan Shisheeyaha.
Gaariga la qarxiyay wuxuu marayya nawaaxiga degmada Afgooye oo qiyaastii 30Km ka fog magaalada Muqdisho.
Gaariga gebi ahaanba wuu burburay, waxaana dhimasho noqday dhamaan Askartii saarneyd oo katirsan Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.
Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo gelinkii dambe ee shalay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho lagu burburiyay gaari noocan oo kale ah oo ay saarnaayeen ciidamada Shisheeye, wuxuuna gaarigaas marayay wadada Warshadaha nawaaxiga Isbartiibada.
Howlgallada ka dhanka ah Shisheeyaha iyo dowladda ayaana joogta ah guud ahaan Soomaaliya.