Inkabadan 20 Ruux Oo ku dhintay Qarixii dugsiga Tababarka Booliiska.

Waxaa la helayaa faafaahin dhameystiran oo la xiriirta khasaaraha ka dhashey qarixii saaka lagu weeraray xarunta dugsiga Tababarka Booliiska ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 27 Ruux oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo katirsan dowladda ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay dhaawacmeen tiro intaas kabadan.

Qaraxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho qeybo kamid ah, waxaana markii uu dhacay kadib la xiray wadooyinka soo gala xerada uu qaruxu ka dhacay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan, iyadoona sheegtay iney madaxa ka gurtey askar iyo saraakiil badan oo katirsan dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.