Kamiin Gawaari dagaal lagu qasbaday oo ka dhacay Warmaxan.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah waxay u dhigeen kolonyo katirsan ciidamada Bankarafta oo ah kuwa si gaar ah u hoostaga Maraykanka.

Ciidamada kamiinka loo dhigay oo kasoo baxay xerada Ballidoogle ayaa markii ay marayeen Warmaxan waxaa qabsaday kamiin adag, kaas oo khasaare adag gaarsiiyay.

Hal gaari oo nooca dagaalka ah ayay ciidamada Mujaahidiintu gubeen, iyagoona sidoo kale gacanta ku dhigay labo baabuur oo badqaba.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada kamiinka loo dhigay ee Maraykanka hoostaga.

Warar hadda soo dhacay waxay sheegayaan in dhamaan gawaarida ciidamada ay wateen ay noqdeen wax la gubay, iyo wax la qabsaday, halka dhamana askartii saarneydna ay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmey.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.