Kamiin ka dhacay gobolka Bakool Oo Askar Lagu dilay.

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo katirsan maamulkaas lagu dilay kamiin ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo Ceelbarde ee gobolkaas.

Kamiinka oo ahaa mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay ciidamada Mujaahidiintu ku guuleysteen iney dhimasho iyo dhaawac ka dhigaan 7 Askari.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in kamiinku ahaa mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Maamulka Koonfurgalbeed ayaa la kulma weeraro joogta ah oo uga yimaada dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.