Khasaare ba’an oo ka dhashay dagaallo ka socda magaalada Sancaa ee dalka Yaman.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa kala gaaray dhinaycada weli ku dagaallamaya magaalada Sancaa ee kala ah Xuuthiyiinta iyo Cali Cabdalla Saalax.

Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo shalay dharbaaxsho kulul la gaarsiiyay, goobo farabadan oo katirsan caasimadana lagala wareegay ayaa shaaciyay iney dib usoo  ceshedaan gacan ku heynta xaafadahaas.

Saraakiil u hadlay Xuuthiyiinta waxay sheegeen in haatan iyagu ay maamulayaan magaalada Sancaa, islamarkaana ay jebiyeen ciidamadii kale ee daacadda u ahaa Cali Cabdalla Saalax.

Balse ilo kale oo ka agdhow Cali  Cabdalla waxay sheegeen ineysan jirin meel laga qabsaday, iyaguna ay yihiin cida maamuleysa deegaannadii shalay oo sabti ahayd lagu dagaallamay.

Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa lagu soo waramayaa iney la wareegeen xarunta Tv uu leeyahay Cali Cabdalla Saalax, iyagoona wariyaasha ka shaqeeya TV-ga saacado la heystay.

Ugu yaraan 80 Ruux oo labada dhinac ah, shacabna ay ku jiraan ayaa ku dhintay dagaallada, halka dhaawacu gaaray 180 Ruux, waana tiro mar weliba sii kordhi karta marka loo eego dagaallada socoda.

Dagaalkan u dhexeeya labadan dhinac oo mardhow saaxiibo iyo bahwadaag ahaa ayaa salka wuxuu ku hayaa dhul ballaarsi, iyo go’aanadooda oo isbedelay, dhawaan Cali Cabdalla Saalax wuxuu ugu baaqay dowladaha Taxaalufka carabta in go’doonka ay ka qaadaan Yaman, uuna kala shaqeyn doono waxay rabaan.

Hadalkan waxay Xuuthiyiintu ku tilmaameen khiyaano qaran, iyagoona ku eedayay Saalax inuu xiriir la sameysatay dowladaha duqeymaha ka wada Yaman.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.