Maxamed Xersi oo lagu toogtay magaalada London.

Maxamed Xirsi oo ah nin in muddo ah ku noolaa dalka Ingariiska ayaa lagu toogtay Magaalada London ee Dalka Ingariiska.

Maxamed Xersi ayaa ahaa Aabe leh xaas iyo Afar Caruur ah sida ay sheegeen dad ehelkiisa ah.

Ruux hubaysan ayaa la sheegay in rasaas uu ooda kaga qaaday Maxamed Xersi taasi oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirka.

Ninka falka dilka ah gaystay ayaanan wali gacanta lagu dhigin.

Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dilka loo gaystay Maxamed Xersi oo ah Muwaadin Soomaali ah oo muddo ku noolaa dalkaasi Ingariiska.

Maxamed ayaa xiliga la dilayay ku sugnaa Maqaayad uu ka qaxweynayay.

Sababta loo dilay ilaa iyo haatan xog lagama helin.

Dadka Soomaalida ah ee London ku sugan ayaa walaac ka muujiyay dilka  oo ilaa iyo haatan macluumaad aysan ka heysan sababta ka danbeysay.

Wadamada Dhaca qaarada Yurub ayaa waxaa ka dhaca dilal ka dhan ah dadka Muslimiinta ah oo ay gaysteen Cunsuriyiin, waxaana Muslimiinta intaas udheer oo lagula kacaa tacadiyo kale oo ka dhan ah cirdigooda iyo diintooda.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa maciin biday qurbaha kadib burburkii Dowladii Siyaad Barre.

Meelaha Caalamka ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee loo gaystay Dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ah wadanka Koonfur Afrika.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.