Qarax Ka dhacay duleedka Boosaaso oo Askar badan lagu laayay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax culus lagu weeraray Askar katirsan maamulka Puntland, kuwaas oo marayay wadada isku xirta magaaada Boosaaso iyo deegaanka Galgala.

Qaraxa oo ahaa noocyada lagu aaso dhulka ayaa haleelay gaari Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo badan oo katirsan maamulka Puntland ee gacan saarka la leh dowladda xabashida Itoobiya.

Gebi ahaan askartii saarneyd gaariga ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa, iyadoona dhanka kale uu gaariga basbeelay.

Waa qarixii ugu dambeeyay 24-kii saac ee lasoo dhaafay lala eegto ciidamada maamulka Puntland, waxaana maalmahan sii xoogeystay beegsashada Askarta iyo saraakiisha maamulka.

Dhawaan ayay ahayd markii sarkaalkii heystay miina baarista Puntland lagu dilay inta u dhexeysa Galgala iyo Boosaaso, kadib markii lala qarxiyay qarax uu isku dayay inuu fur furo.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana shegatay mas’uuliyadda weerarakaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.