Rag hubaysan oo aanan La aqoonsan oo oday dhaqan ku dilay Baraawe.

Waa sawirka odayga la dilay

Rag hubaysan oo aan heybtooda la garan ayaa xalay magaalada Baraawe ku dilay mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool gudaha Magaaladaasi.

Dad ku sugan Magaalada Baraawe ayaa idaacadda Alfurqaan uxaqiiiyay in magaalada lagu dilay Maxamed Aadan Caamir Muuse oo kamid ahaa odayaasha magaalada.

Ragga dilka gaystay ayaa ka tagay barta ay ku dileen odaygaan oo kamid ahaa odayaasha la shaqeeya maamulka ka dhisan magaalada ee hoostaga maamulka koonfur galbeed.

Reer baraawe ayaa aad uhadal haya dilka xalay ka dhacay magaalada.

Maamulka Magaalada Baraawe ayaanan wali ka hadlin dilka.

Maxamed Aadan Caamir ayaa dhawaan kasoo muuqday madal lagu difaacayay kuriga uu ku fadhiyo gudoomiyaha Baraawe.

Xiligaas ayuu sheegay inay difaacayaan halka kursi ay ku leeyihiin maamulka isagoo uduceeyay ciidamada iyo maamulka Baraawe.

dhawaan ayay ahayd markii magaalada lagu dilay Sayidinaa xaajow oo kamid ahaa odayaasha.

You might also like
1 Comment
  1. Abufatima says

    Odayada ridoober reed maray shareecada
    Odayada ridoober ka ruqaansan diintii
    Odayada ridoober ruufyaano gaala ah
    Rasaas lagu shanaqo iyo rajmi baa u daawas

Leave A Reply

Your email address will not be published.