Ruushka Oo Sheegay inuu ciidamadiisa kala baxayo dalka Suuriya

Faladamir Butin madaxweynaha Ruushka oo shalay booqasho lama filaan ah kuyimid dalka Suuriya ayaa shaaca ka qaaday inuu armay in ciidamadiisa laga saaro dalkaas, kuna laabtaan wadankooda.

Butin oo saldhiga Xamiimiim ee gobolka Laadiqiyah kula kulmay madaxweynaha nidaamka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa shaaca ka qaaday inuu amray in ciidamadiisa ugu badan laga saaro dalka Suuriya, kaliyana ay soo hari doonaan ciidamo aan farabadneyn.

Faladamir madaxweynaha Ruushka, wuxuu ku andacooday in ciidamadiisu ku guuleysteen howshii ay Suuriya u yimaadeen oo ahayd buu yiri la dagaalanka Argagaxisada.

Hadalka Butin kadib, wuxuu wasiirka gaashandhiga dowladaas uu sheegay in si rasmi ah u bilaabatay in ciidamada laga soo saaro dalka Suuriya.

Dowladda Maraykanka ayaa arintan shaki ka muujisay, Afhayeen u hadlyena wuxuu sheegay in arintan aysan wax saameyn ah ku keeni doonin howlaha Isbaheysiga Maraykanku hogaamiyo ka wado wadanka Suuriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.