Saraakiil Lagu laayay Qarax ka dhacay Nawaaxiga Galgala gobolka Bari.

Qarax xoogan oo gelinkii dambe ee maanta lala beegsaday kolonyo ciidamo ah oo ka kooban Maraykan iyo Soomaali ayaa ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Boosaaso iyo deegaanka Galgala ee gobolka Bari.

Qaraxa oo si buuxda u haleelay mid kamid ah gawaaridii kolonyada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan, waxaana bartilmaameedku u muuqday gaariga la beegsaday oo ay saarnaayeen saraakiil sar sare.

Taliyihii Sirdoonka Puntland ee aaga Galgala oo magaciisa lagu magacaabo Galleyr iyo sarkaal kale ayaa goobta durba ku dhintay, iyadoona ay dhaawacmeen 5 ruux oo kale.

Maydadka saraakiisha geeriyootay iyo dhaawacyada ayaa loo soo gudbiyay dhanka Boosaaso, waxaana xaalad kacsanaan iyo mashquul laga dareemayaa goobaha caafimaadka ee maamulka Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii wadadan qarax lala eegtay gaari ciidan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dhamaan askartii saarneyd gaariga Cabdi bila ah, waxaa kasii horeeyay Qarax lagu dilay taliyihii guud ee Miinabaarista Puntland.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dhamana howlgallada maalmihii tagay ka dhacay inta u dhexeysa Boosaaso iyo Galgala oo uu ugu dambeeyay midka maanta lagu  dilay taliyaha Bs-ta aaga Galgala ninka lagu magacaabo Galleyr.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.