Saraakiil katirsan maamulka Jubbaland oo isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Labo Sarkaal oo katirsanaa maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Saraakiisha isasoo dhiibtay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Isxaaq Aadan Gurbaan iyo Xuseen Aadan Ibraahim.

Magaalada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa lagu soo bandhigay saraakiishan, waxaana soo dhaweeyey maamulka islaamiga ee magaalada.

Askarta maamulka Jubbaland ayaa aad uga soo baxsanaya sufuufta shisheeyaha Kenyaatiga, wixii ka dambeeyey weerarkii Buula-guduud ee bishii Dulxaja ee sanadkii hore lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Jubbaland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.