Sarkaal katirsan Police-ka Puntland oo Gaalkacyo lagu dilay.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in sarkaal sare oo katirsan Police-ka maamulka Puntland lagu dilay gudaha magaaladaas.

Sarkaalka la dilay oo ahaa taliyaha saldhiga bartamaha ee magaalada Gaalkacyo, waxaa lagu magacaabaa Cali Ibraahim (Cali magafe).

Ninkan ayaa caan ku ahaa inuu dhibaateeyo dadka muslimiinta ee sunnadu ka muuqato, isagoona xir xiri jiray kuna eedeynaya iney katirsanyihiin Mujaahidiinta.

Qarax ayaa gaarigiisa lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo, taas oo keentay in ruba uu quur baxo.

Ciidamo ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray, kuwaas oo qaaday meydka Sarkaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.