Siyaasiyiin Mucaarad ah Oo Guryahooda oo ku yaala Muqdisho lagala baxay.

Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xalay ahaa guryahooda lagala baxay siyaasiyiin caan ah oo kasoo horjeeda siyaasadda madaxweynaha dowladda Farmaajo.

Siyaasiyiinta guryahooda lagala baxay waxaa kamid ah C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Sayid Cali Macallin Cabdulle, kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyey jeedinayay hadallo ay ku weerarayaan siyaasadda Farmaajo.

Ciidamo katirsan PS-ta dowladda ayaa saq dhexe ragan kala baxay guryahooda, lamana oga halka ay la aadeen.

Wararka qaar waxay sheegayaan in is rasaaseyn dhexmartay ilaalada Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur iyo ciidamada dowladda ay sababtay dhimashada 4 Askari oo katirsan ilaalada Warsame, halka qudhiisa uu soo gaaray dhaawac fudud.

Arintan ayaa aad looga hadal hayaa saaka xafiisyada dowladda, waxaana cabsi ay soo wajahday saraakiisha iyo xillibaannada warbaahinta ka dhaleeceeya siyaasadda madaxweyne Farmaajo.

Falkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda uu codsaday in waxa loogu yeero xasaanada laga qaado labo xillibaan si loo soo taago maxkamad, kuwaas oo uu ku eedayay iney lacago farabadan ka qaateen dowlado Ajnabi ah, si ay u abuuraan mucaarad ka dhan ah dowladda.

Telefeshinka Aljazeera ayaa sheegay in C/raxmaan C/Shakuur Warsame uu kamid yahay siyaasiyiinta la safan dowladda Imaaraatka, islamarkaana marar badan ku baaqay in xiriirka loo jaro dowladda Qadar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.