Taliyihii Miinbaarista Puntaland oo Qarax lagu dilay.

Wararka ka imaanaya gobolka bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lagu dilay Taliyihii Miina baarista maamulka Puntland.

Taliyaha la dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Kabayare, waxaana la beegsaday isagoo maraya inta u dhexeysa Boosaaso iyo deegaanka Galgala.

Sarkaalka ayaa isagoo gaari saaran wuxuu meel sare ka arkay miino dhulka lagu aasay, markaas ayuu isku dayay inuu kala furfuro, balse Miinada ayaa jirkiisa kala faniinisay, isagoo meyd ah oo kala go’ay ayaana la saaray gaariga.

Sarkaalkan ayaa ahaa ruux muhiim u ah maamulka Puntland, wuxuuna xiriir gaar ah la lahaa hay’adda miina baarista aduunka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa durba sheegtay mas’uuliyadda Qaraxan lagu dilay Taliyihii miina baarista maamulka puntland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.