Xuuthiyiinta oo Duqeeyey magaalada Riyaad ee dhulka Xarameynka.

Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo taageero ka hela dowladda Iiraan ayaa gantaal rida dheer waxay ku tuureen magaalada Riyaad oo ah caasimadda maamulka Aala-Sucuud.

Gantaalka oo  ahaa mid rida dheer, islamarkaana laga soo tuuray dhanka Yaman ayaa soo gaaray hawada magaalada Riyaad, waxaana markaas la sheegay iney ka hortageen ciidamada difaaca cirka ee Aala-Sucuud.

Xuuthiyiinta war kasoo baxay waxay ku sheegeen in gantaalka oo ay ugu magac dareen Burkaan Etesh 2 uu ku dhacay hadafkii loogu talagalay, kaas oo ahaa qasriga Al-Yamamaa, oo markaas uu ka socoday kulan ay kaso qeybgaleen saraakiil sar sare oo katirsan Aala-Sucuud, sida ay sheegeen Xuuthiyiinta.

Afhayeen u hadlay taxaalufka carabta ee duqeymaha kawada Yaman ayaa beeniyay sheegshadaas, isagoona intaa ku daray iney saaruukha ka hortageen, kuna qarxiyeen hawada.

Markii uu gantaalku soo dhacay waxaa kala cararay dadka shacabka ah ee magaalada ku nool, kuwaas oo xilligaas howl maalmeedkooda isaga jiray.

Waa markii labaad muda labo bilood oo Xuuthiyiintu duqeeyaan magaalada Riyaad, waxaana la sheegayaa in gantaalladan ay ka heleen Iiraan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.