Al-Shabaab oo Gacanta Ku Dhigay Dayuurad Kusoo Dhacday J/hoose.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta gacanta ku dhigay dayuurad nooca wax basaasa ah oo kusoo dhacday duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Dayuuraddan oo la rumeysan yahay in uu Mareykanku leeyahay ayaa waxaa qaatay askarta Xarakada Al-Shabaab sida aan kasoo xigay dad xog ogaal ah.

Dayuuradaha wax basaasa ee Mareykanka ayaa si sharci darro ah uga hawl gala gudaha wadanka Soomaaliya maadaama aysan jirin dowlad ka dhiidhineysa ku xad gudubka madax bannaanida wadanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.