Al-Shabaab oo La Wareegay Degaanka Diif Ee Jubada Hoose.
Wararka ka imanaya gobolka Jubada hoose ayaa waxay sheegayaan in uu dagaal culus ka dhacay degaanka Diif oo u dhow xad beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay weerareen ciidamada Jubbaland iyadoo in muddo ah dagaalamayay
Ciidamada Al-Shabaab ayaa ugu dambeyntii dagaal kula wareegay saldhigga iyo magaalada sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka oo aanan wali faahfaahin ka helin.
Xarakada Al-Shabaab ayaa horey usoo af-jartay saldhigyo ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen Beledxaawo, Ceel-waaq, Buulogaduud iyo meelo kale.
Docda iyo warkaa diif kayimid waan Ku diirsadaye
Diin laawe yaashiyo kufrigi daaqad baa maqane
Dulalaatibaa laga ridiyo daw abaaraahe
Daangada sideed baa shabaab dubay nijaastiiye
Dar xumay u laayeen intay dabin u qooleene
Dube kulul ayaa lala heliyo danab afaysnaaye
Libaaxyaa dushiyo ugaga yimid diirtay hilib kiiye
Daanyeeradaa sidii loo galana waan ku diirsadaye
Dambiyaday galeen loo qisaas duulka shaydaan
Inta lagu danaystaa layiri daartan ii dhawre
Dusha laga cadaab waa wada damane aan dantood garan