Al-Shabaab oo Weerar Ka Geystay Wajeer.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka hawl gala gudaha Kenya ayaa weerar ka geystay Wajeer oo kamid ah dhulka Soomaalida ee la heysto iyagoo beegsaday xarumaha dowladda Kenya ee halkaasi ku yaalla.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in si gaar ah loo beegsaday degaanka ay Kenyaatigu ula bexeen Katulu halkaas oo lagu gubay shirkadda isgaarsiinta dowladda ee Safaricom.

Ciidamadii ilaalada ka ahaa degaanka ayaa cararay markii ay ka war heleen in Al-Shabaab soo caga dhigtay taasoo keentay in ay si dhammeystiran ciidamada Al-Shabaab u fushadaan hawl galkooda.

Tani waxay dhabar jab dhanka dhaqaalaha ah ku noqoneysaa dowladda Kenya, waayo qalabka shirkadda ayaa ku fadhiya qiimo badan, waxa kale oo halkaasi ku shaqo beelaya dad badan oo Kenyaan dhalad ah oo lagu degaameeyay dhulka Soomaaliyeed ee xoogga lagu heysto.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.