Al-Shabaab oo Xukun Gacma Goyn Ah Ku Fuliyay Tuugo Wax Ka Xaday Dhul Ay DF Ka Taliso oo Laga Soo Dacweystay.

Xukun xad gacan goyn ah ayaa maanta galinkii dambe ka dhacay degaanka Kuunyo-barrow ee gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo ay usoo daawasho tageen dad weyne badan.

Xukunka ayaa waxaa lagu fuliyay labo nin oo lagu eedeeyay iney jabsadeen dukaan ku yaalla degaanka Ambareeso oo dhaca albaabka laga galo degmada Baraawe halkaasoo ay ka qaateen 17 milyan lix boqol iyo 73 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Qaadiga xukunka riday ayaa waxa uu sheegay in maxkamadda islaamiga ah ee Kurtunwaarey uu usoo dacwooday ninka dukaanka laga jabsaday oo lagu magacaabo Cabdalla Bakar Cabdalla, isagoo ku eedeynaya Maxamuud Maxamad Xassan oo 54 sano jir ah iyo Xassan Maxamad Yuusuf oo 45 sano jir ah.

Maxkamadda ayaa jawaab ka dalabtay labadan nin oo kala degganaa Baardheere iyo Jubooyinka, waana ay qirteen, waxaana ay sidaasi ku muteysteen in uu qaadigu ku xukumo iney ku dheceen Xaddu-sariqa, in mid kasta gacanta midig laga jaro iyo iney milkiilaha u celiyaan lacagtiisii.

Isla-markiiba waxaa lagu fuliyay xukunka, iyadoo ay gacanta ka jareen rag u taba baran oo qalabkooda iyo daawooyinkoodu u dhammeystiran yihiin.

Dhulka ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab ee wilaayaadka islaamiga ah waa nabad, dadku waxay socdaan xilliga ay doonaan, waxaana taa Allaah kadib u sabab ah ku dhaqanka shareecada islaamka.

Tani waxay keentay kalsooni badan oo ay dadka u qaadeen maxkamadaha islaamiga ah, waana tan keentay in looga soo xukun tago dhulka ay ka taliyaan DF iyo maamul goboleedyada.

Halkan Kala Degso Kalimadda Qaadiga

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.