Aqriso In Ka Badan Hal Milyan oo Dolar oo Ku Baxday Safarkii Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowladda federalka ah oo labadii usbuc ee lasoo dhaafay socdaalo ku marayay qaar kamid ah gobolada Wuqooyi bari iyo degmooyin ka tirsan gobolada dhexe ayaa maalintii shalay kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu soo gabagabeeyay safarkiisii.

Sida ku cad warqad loo diray Fahad Yaasiin oo ah agaasimaha madaxtooyada, waxaa safarka madaxweynaha ku baxay lacag kor u dhaafeysa hal milyan oo dolar.

Lacagtan ayaa waxaa lagu bixiyay xafladihii, heesihii, buraamburradii, dhaantooyinkii, isku soo baxyadii lagu soo dhaweynayay madaxweynaha iyo gaadiidkii uu isticmaalayay.

Waa dhaqan ka duwan kan Soomaalida, horay looma arag qof marti ah oo haddana bixinaya qarashkii lagu soo dhaweynayay, taasoo muujineysa micnaha dhabta ah ee meesha ku jira oo ah in ay madaxda DF shaqadooda isaugu soo uruurta in loo sacbiyo oo loo heeso.

HOOS KA EEG WARQADDA LOO DIRAY FAHAD YAASIIN.

You might also like
1 Comment
  1. c/raxman faatix says

    radio al kheyr

Leave A Reply

Your email address will not be published.