Askar Ka Tirsan DF oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Qaraxyo Ka Dhaxay Xamar Iyo B/weyne.

Qaraxyo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne kuwaasoo lala beegsaday ciidamada dowladda federalka ah.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga warshaddii Tarraqa ayaa waxaa qarax lagula beegsaday Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 5 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay weerar bambaano oo lagu qaaday isbaaro u tiilay ciidamada dowladda. Goob joogayaal ayaa sheegay iney indhahooda ku arkeen dhaawaca afar askari oo dowladda ka tirsan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.